Home / Habka-Nolosha / Nin afar bisadood ku qarsaday qeybta hoose ee jirkiisa oo la xeray

Nin afar bisadood ku qarsaday qeybta hoose ee jirkiisa oo la xeray


Himilo FM – Booliiska dalka Singapoor ayaa gacanta ku dhigay nin afar bisadood ku soo qarsaday qeybta hoose ee  jirkiisa oo lagu qabtay bar kontorool oo ku taalla magaalada Tuas ee dalkaasi.

Xogta ku saabsan arrintan oo dhacday jimcadii tagtay waxaa faafiyay xarunta socdaalka Singapoor oo magaceeda loo soo gaabiyo ICA.

Saraakiisha socdaalka ayaa xaqiijiyay in ninka oo da’diisu tahay 45 jir una dhashay Singapoor lagu qabtay Tuas haddana la baarayo sababta ku riixday inuu afar bisadood ama yaanyuur uu ku soo qarsado qeybta hoose ee jirkiisa.

Wararka waxay intaa raacinayaan in ninka uu ka yimid Malaysia islamarkaana uu doonayay in bisadaha oo aad u yaryar inuu soo galiyo dalka. Ma cadda ujeedka ninka hase ahaatee booliiska ayaa dareemay dhawaaqa bisadaha markii uu ninka gaarigiisa marayay barta kontorool.

Baaritaan la xiriira halka uu ninka aan la shaacin ka soo iibsaday bisadaha ayaa immika socda. Waxaa kale oo aan la xusin haddii ninka lagu soo oogay danbi ku saabsan ku xadgudubka xayawaanada.

Haddii la eedeeyo islamarkaana loo fiiriyo sharciga xayawaanada iyo shimbiraha ee dalkaasi oo dhigaya in aan la soo gelin karin xayawaano Singapoor iyada oo aan la heysan rukhsad, waxa uu wajahi doonaa ganaax dhan $10 kun oo doolar iyo sannad xabsi ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan