Home / Dhaqaale / Nin bakhtiyaa nasiib ku helay $220 Milyan oo diiday in uu heybtiisa shaaciyo!

Nin bakhtiyaa nasiib ku helay $220 Milyan oo diiday in uu heybtiisa shaaciyo!

Himilo- Dalka Ingiriiska, bakhtiyaa nasiibka lacageed ee ugu weyn oo ku kacaya qiimo dhan 220 Milyan oo doolar ayaa waxaa ku guuleystay nin diiday in uu shaaciyo heybtiisa.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, ninka nasiibka badan ayaa helaya lacag dhan $220 Milyan kaddib markii la hubiyay tikitka uu goostay oo uu ku qornaa  tirsiga saxda ah ee guusha.

Rikoor cusub ayuu sameeyay guuleystaha iyadoo ka dhigeysa bakhtiyaa nasiibkii ugu weynaa dalka Ingiriiska.

Andy Carte oo lataliye ka ah bakhtiyaa nasiibka qaranka ayaa tiri “Maxay guul tahay; bakhtiyaa nasiibkii ugu weynaa ee heer qaran.”

Guusha ninka diiday in uu shaaciyo magaciisa ayaa jabineysa rikoorka ay sameeyeen Colin iyo Chris Weir oo ku guuleystay bakhtiyaa nasiib dhan 207 Milyan sannadkii 2011.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan