Home / Arrimaha Bulshada / Nin booliiska u dacwooday si loogu soo celiyo qalbi laga xaday

Nin booliiska u dacwooday si loogu soo celiyo qalbi laga xaday


Himilo FM – Wararka laga helayo magaalada nagbur ee dalka Hindiya ayaa tilmaamaya in nin uu u  tagay booliiska isaga oo sheeganaya in laga xaday qalbigiisa.

Saraakiil ayaa xusay in ninkan uu doonayay in loo furo dacwad isaga oo ka cabanaya inay gabar ka xaday qalbigiisa, waxaana uu ka codsaday saraakiisha in dib loogu soo celiyo.

Sheekada ninkan ayaa wareer badan gelisay booliiska oo ay ku adkaatay inay go’aan deg deg ah qaataan. Sarkaalka shaqada ku jiray ayaa la xiriiray dadka ka sarreeya si uu latashi ula sameeyo.

Wadatashi kaddib, sarkaalka booliiska ah ayaa sheegay inaysan jirin qeyb kamid ah sharciga Hindiya oo dhigaysa in la qori karo dacwad nuucaasi ah.

Ninkan sheegtay in laga xaday qalbigiisa ayaa ugu danbeyn ka tagay saldhiga booliiska iyadoo saraakiisha u sheegeen inay xal u heyn arrintiisa.

Bhushan Kumar oo ah ninka madaxda u ah booliiska Nagbur ayaa sheekada ninka la wadaagay dadweynaha.

“ Waan soo celin karnaa hanti iyo qoraallo la xaday laakiin waxba kama qaban karno cabashooyinka qaar, “ ayuu yiri Kumar.

Dhacdadan waxay Hindiya ka dhalisay dood inteeda badan dhax martay dhallinyarada oo lagu fallanqeeyay baraha bulshadda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan