Home / Arrimaha Bulshada / Nin furay daaqadda Diyaarad uu saarnaa

Nin furay daaqadda Diyaarad uu saarnaa

Diyaarad ku sii jeedday Dalka Koofur Kuuriya ayaa mid ka mid ah Rakaabkii saarnaa furay daaqadda,waxaana ay taas cabsi ku abuurtay rakaabkii.

Sharikadda Diyaarada ee leh diyaaraddan ayaa sheegtay in diyaaradda ay si nabad ah u caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Daegu International ee Dalka Koofur Kuuriya.

Ninka daaqadda diyaaradda furay ayaa warbaahintu sheegtay in uu deg deg badan ku jiray islamarkaana doonayay in uu banaanka u baxo.

9; qof oo ka mid ah Rakaabka Diyaaradda ayaa Isbitaal la dhigay kaddib markii ay dareemeen naqas iyo neefsiga oo ku adkaaday.

Laba saacadood kaddib ayaa laga saaray Isbitaalka kaddib markii ay heleen adeeg caafimaad oo deg deg ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta diyaaradda.

Wakaaladda wararka ee Yonhap News Agency, ayaa baahisay in Ninka oo ay Booliska wareysteen uu u sheegya in uu isku buuqsanaa kaddib markii dhawaan uu shaqadiisii waayay.

Diyaaradda ayaa 211 Mitir ka fogeyd dhulka markii uu Ninka daaqadda furayay taas oo sababtay in dabeyl badan gasho gudaha Diyaaradda.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan