Nin hoygiisa u socday ku dhawaad soddon sanno

Himilo – Kaddib 28 sanno oo uu safar ku jiray, ayaa nin u dhashay Britain oo lagu magacaabo Karl Bushby, Isniintii dib ugu soo laabtay dalkiisa, kaddib markii uu soo dhammaystay safar lug ah oo dhererkiisu ahaa 50,000 oo kiiloomitir (31,000 oo mayl), kaas oo uu ka soo bilaabay dalka Chile, kuna soo maray afar qaaradood, isaga oo aan adeegsan wax gaadiid ah.

Bushby, oo safarkiisa dheer ka soo bilaabay Koonfurta Ameerika sannadkii 1998-kii, ayaa safarkiisa u dejiyay laba xeer oo muhiim ah: in aanu adeegsan nooc kasta oo gaadiid ah si uu safarka ugu sii socdo, iyo in aanu dib u soo laaban ilaa uu dhammaystiro caqabadda uu naftiisa saaray.

Isniintii, waxaa bartamaha magaalada Hull ee waqooyi-bari England ku soo dhaweeyay dad gaaraya ilaa 1,000 qof oo sacab iyo farxad ku qaabilay. Waxa uu uga mahadceliyay dhammaan dadkii taageerada uu ka helay intii uu safarka ku jiray.

“Safarkan kaligay ma aanan samayn,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in uu ahaa “dadaal caalami ah”, kaddib markii uu ammaan kala kulmay duqa magaalada Hull, Maria Coward.

“Ma rumaysan kartaan tirada dadka ku lugta lahaa arrintan, kuwaas oo naga caawiyay inaan ka gudubno caqabadihii kala duwanaa ee na soo wajahay. Waxaan wajahannay dowlado, waxaanan ka gudubnay caqabado ka mid ahaa kuwii ugu adkaa.”

Waddada uu ugu soo laabtay magaaladiisa ayaa keentay inuu lug ku maro dhammaan dhererka qaaradaha Ameerika, isaga oo ka gudbay marin-biyoodka Bering, kana soo tallaabay Alaska kuna gaaray Ruushka. Intaas kaddib, wuxuu soo maray qaybo ka mid ah Bartamaha Aasiya iyo Yurub, isaga oo dhex maray kaymo, buuro iyo saxaro.

Maalin ka hor, Axaddii, ayaa loo sacab tumay markii uu ka gudbay buundada caanka ah ee Humber Bridge ee u dhow Hull, xilli uu jiray ceeryaamo xooggan. Waxa uu halkaas ka sii watay safarkiisii ugu dambeeyay ee uu ku gaarayay bartamaha magaalada, ka hor inta aanu u sii gudbin guriga hooyadii.

Ninkan 57-jirka ah ee hore uga tirsanaa ciidamada baarashuudka, kaas oo alaabtiisa ku riixayay gaari yar, ayaa Isniintii lagu soo dhaweeyay munaasabad rasmi ah oo ay duqa magaalada u qabatay.

“Dad aad u badan ayaa la socday safarka dheer ee Karl. Dhammaanteen waxaa na dhiirrigeliyay ruuxdiisa, adkaysigiisa iyo go’aankiisa aan leexleexadka lahayn,” ayay tiri Coward, iyada oo intaa ku dartay in magaaladu “ku faanayso guushiisa cajiibka ah”.

Bushby ayaa la filayay inuu Isniintii fiidkii dib ula midoobo hooyadii Angela, wiilkiisa Adam oo 36 jir ah, iyo gabar uu awoowe u yahay oo 12 jir ah, taas oo aanu weligiis hore ula kulmin.

Bushby ayaa safarkiisa bilaabay isaga oo 29 jir ah, kaddib markii uu burburay guurkiisii, xaaskiisuna ay wiilkooda ula laabatay Waqooyiga Ireland.

Safarkiisa ayaa dhowr jeer hakad galay, oo ay ka mid ahayd markii Moscow ay u diidday fiiso. Xiisaddii dhaqaale ee sannadkii 2008-dii iyo cudurkii Covid-19 ayaa sidoo kale sababay dib-u-dhacyo kale.

Xilliyadaas, waxa uu ka hakaday safarka, isaga oo ku noolaa meelo uu saldhig ka dhigtay, gaar ahaan dalka Mexico. Markii xaaladuhu hagaaganna, waxa uu dib uga sii bilaabi jiray safarka isla goobtii uu markii hore ku hakaday.

Horraantii bishii Oktoobar, ayuu dabaal ku soo gudbay marinka biyaha ee English Channel, si uu mar kale u gaaro UK.

“Waa dareen wanaagsan inaan cagahayga dhigo dhulka UK, kaddib sannadahan oo dhan,” ayuu markii dambe yiri, isaga oo intaa ku daray in safarkiisu “uusan sahlanayn”. “Dhammaanteen waxaan awoodnaa inaan qabanno wax ka badan inta aan malayn karno,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Agaasimaha filimada ee caanka ah ee u dhashay Jarmalka, Werner Herzog, iyo koox filim-qaadayaal ah ayaa Bushby ku wehelinaya soo laabashadiisa. Herzog ayaa samaynaya filim dokumentari ah oo dhererkiisu yahay filim caadi ah, kaas oo ka warramaya safarka, laguna magacaabo Walk of Life.

Shirkadda soo saaraysa filimka ayaa 16-kii sanno ee la soo dhaafay taageeraysay horumarka safarka Bushby, iyada oo siisay kaalmo dhaqaale iyo mid dhinaca qabanqaabada ah.

Wareysi uu bishii Sebtembar ku bixiyay waqooyiga Faransiiska, ayuu Bushby ku muujiyay walaac ku saabsan dib ugu laabashada nolol caadi ah oo Britain ah.

 

error: Copy lama Ogola Fadlan