Home / Macluumaad / Nin iloobay magaca gabar uu guursan rabay oo xabsi lagu xukumay dalka Ingriiska .

Nin iloobay magaca gabar uu guursan rabay oo xabsi lagu xukumay dalka Ingriiska .

Poliiska dalka Ingriiska ayaa xiray nin u dhashay Pakistaan oo aroos ahaa markii uu iloobay magaca gabar uu guursan rabay oo u dhalatay Hungary xili la doonayay in la diiwaan galiyo.

77

http://radiohimilo.so/

Sida wargeyska Telegraph uu ku soo waramo Subeyr Khan oo 28 jir ah ayaa la xiray markii uu sheegi waayay magaca gabadha uu rabay in uu guursado ee Beta Zelejiya si loo diiwaan galiyo .

Arintaasi ayaa keentay in laga shakiyo dhab ahaanshaha guurka labadaasi qof oo mar danbe la ogaaday in  ay ku doonayeen oo kaliya in ay ku helaan sharciga daganaanshaha rasmiga ah ee ingriiska.

Maxkamad ku taala dalka Ingriiska ayaana ku xukuntay  Subeyr 5 bilood oo xarig ah halka Beta lagu xukumay 4 bilood oo xarig ah.

Waxaa lagu eedeeyay labadaasi qof in ay jabiyeen sharciyadda loo maro helida daganaanshaha rasmiga ah ee dalka ingriiska.

W/Q:-Mahad Maxamed Cali

Xigasho:Wargeyska telegraph.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan