Home / Dibadda / Nin ka maarmay isticaalka tignoolajiyada iyo lacagta.

Nin ka maarmay isticaalka tignoolajiyada iyo lacagta.

Himilo-Mark Boyle oo sidoo kale loogu yeero ninka lacag la’aanta ah, wuxuu joojiyay am aka quustay isticmaalka lacagaha taniyo sannadkii 2008 wuxuuna ku nool nolol aysan wax raad ama saameyn ah ku lahayn lacagtu. Taas beddelkeeda wuxuu naftiisa u weeciyay adeegsiga iyo la-qabsiga nolosha dabiiciga ah.

Wuxuu bartay culuumta ganacsiga iyo dhaqaalaha, wuxuuna durba ka shaqo bilaabay shirkad sameysa cunnooyinka dabiiciga ah oo aan soo marin warshadeyn. Ilaa iyo markaas hankiisa iyo howshiisa uu qabsado isma diidaneyn. Laakiin wax walba waxay is beddeleen sannadkii 2007 kol uu saaxiibkiisa ula baxay wada yeelashada kulan falsafadda nolosha ku saabsan.

Waxay ka doodayeen dhibaatooyinka hareeyey adduunka iyo sida ugu toolmoon oo xal looga gaari karo. Waana isla goortaas markii uu garwaaqsaday in asalka iyo xididka ay mushkiladaha adduunka ay kasoo farcamayaan ay tahay lacagta.

Isaga oo ku dhaqmaya aragtidii Ghandi oo ay tahay- adigu noqo isbeddelka aad rabto inaad dunida ku aragto, wuxuuu qaamuuska noloshiisa ka saaray ereyga lacag iyo wixii la halmaala.

Si uu hadafkaas u xaqiijiyo, Mark wuxuu ku baxay gaariga Caravan-ka oo ah mid sida guriga guuraya ah oo leh jiif, jiko iyo wixii soo raaca. Bilowgii noloshaas, wax walba way ku adkaayeen.

“Suurayso adiga oo wax walba oo aad lahayd ku beddelanaya waxba,” ayuu yiri. “Laakiin la-qabsigaygii wuxuu isiiyay awood aan kaga soo guuri karo hab nololeedkaygii hore.”

Wuxuu lacagta u arkayay musiibo la is-dhaafsado oo qofkii rabo inuu ka xoroobo xanuunnada dunida ka jira ay qasab tahay inuu ka dhex baxo.

“Ma jamanayo tagtadaydii shalay: mana jeedaalinayo berritada soo socota. Nolosha casriga ah ee maanta oo tiknoolojiyaddu aabbe u tahay iyo midda aysan saameynba ku lahayn waan kusoo noolaaday, waana fahmay midda isiinaysa xasilooni iyo negaasho,” ayuu yiri.

Mark wax walba oo nolosha casriga ah ee maanta sees u ah oo aadanuhu uusan ka maarmi Karin si uu nolosha ugu fududeysto, wuxuu u arkaa dhib soo kordhay. Wuxuuna doorbidayaa in la dhimo amaba laga caaganaado gebi ahaanba wax soo saarka tiknoolojiyadda.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan