Home / Macluumaad / Nin lagu xukumay 8 sanno oo xarig ah markii uu liqay faraanti dhayman ah!

Nin lagu xukumay 8 sanno oo xarig ah markii uu liqay faraanti dhayman ah!

Himilo FM – Dalka Turkiga, nin u dhashay Ireland ayaa lagu xukumay 8 sanno iyo 9 billood oo xarig ah kaddib markii uu isku dayay inuu xado faraanti dhayman ah oo ku kacaya qiimo dhan 40 Kun oo doolar.

Ian Cambell ayaa liqay faraantiga dhaymanka ah, waxaana maxkamada ku heshay danbiga ah xatooyo markii baaritaan la sameeyay lagu oggaaday in calooshiisa uu ku jiro faraantiga.

Mr Campbell oo ku dalxiisayay magaalada Marmaris ee dalka Turkiga ayaa la xeray bishii October ee sannadkii hore kaddib markii uu laqay faraanti dhayman ah oo ku kacaya qiimo lacageed oo dhan 40 kun oo doolar oo lagu iibinayay xarun ku taalla dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay booliiska in Campbell uu laqay faraanti markii uu xaqiiqsaday in lagu qaban karo isaga oo doonayay inuu xado.

Warbaahinta Turkiga ayaa ku soo waramaysa in markii la baaray Cambell la xaqiijiyay in faraantiga dhaymanka ah uu ku jiro calooshiisa, waxayna tani u baahan tahay qaliin si looga soo saaro.

Eedeysanaha oo 54 jir ah ayaa labo maalin ku qaatay isbitaalka Marmaris isaga oo cabayay biyo badan, sameynayay socod yar iyo boodid si uu faraantiga u soo dhaafo dheefshiidkiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan