Home / Macluumaad / Nin lagu xukumay inuu sabaayad u iibiyo saraakiil boolis oo uu aflagaadeeyey

Nin lagu xukumay inuu sabaayad u iibiyo saraakiil boolis oo uu aflagaadeeyey

Muqdisho – Nin aflagaaddo kula kacay saraakiil boolis ah xilli uu cabsanaa ayay maxkamad ku taalla Australia ku xukuntay inuu sabaayad, cabitaan iyo cunno kale u iibiyo.

48-jir ku nool magaalada Melbourne ee Australia oo magaciisa la sheegin ayaa meel-ka-dhac iyo aflagaado kula kacay laba sarkaal oo booliska katirsanaa mar uu ka yimid baar qamri lagu cabo.

Mar lagu qabtay xarun sal-dhig boolis ah, ninkan ayaa la arkayay isaga oo ku hadlaya ereyo cabsi iyo afxumo leh. Si kastaba markii lasoo taagay maxkamadda horteeda, waxaa lagu xukumay inuu labadan sarkaal u iibiyo cunnooyin fudud oo ay ku jiraan sabaayad, cabitaan iyo wixii soo raaca.

Tira koobka qarashka ku baxaya qancinta labadan sarkaal – oo ah in ninkani u iibiyo cunnooyin, waxay gaarayaan ku dhawaad 300 oo doolar.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan