Himilo – Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi xabsi muddo hal sanno ah kaddib markii lagu helay in uu si xun ula dhaqmay eyga xaaskiiisa hore.
Aaron Davis ayaa lagu eedeeyay in uu si xun oo adag ula tacaamulay eyga xaaskiisa hore bishii July ee sannadkii 2018-ka.
Waxaa lagu helay danbiga ah in uu eyga ku xeray shabaq islamarkaana uu kaga tagay gacanka Sandy Hook Bay ee gobalka New Jersey.
Dacwad oogaha maxkamadda Christopher Gramcioni ayaa sheegay in ficilka Aaron uu yahay mid aan loo dulqaadan karin oo aan la isku cafin karin.
Ilaalinta xayawaannada ayaa kamid ah qaddiyadaha waaweyn oo ay ka mideysan yihiin dad badan oo Mareykan ah xattaa waa mid ay isku aragti ka yihiin dadka saaran fagaaraha siyaasadda.
Bishii November ee tagtay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci dhigaya in muddo 7 sanno ah lagu xukumo cid kasta oo lagu helo inay si xun ula dhaqanto xayawaan.