Home / Arrimaha Bulshada / Nin loo maxkamadeynayo shilimaad uu ku tuuray matoorka diyaarad!

Nin loo maxkamadeynayo shilimaad uu ku tuuray matoorka diyaarad!

Himilo FM –Shirkada Lucky Air ayaa dacweynaysa nin u dhashay Shiinaha kaddib markii uu dhowr shilin oo ah lacagta Yuan-ka uu ku tuuray matoorka diyaarad rakaab ah si uu u tijaabiyo nasiibkiisa wanaagan ee safarka.

Ninka 29 jirka ah oo magaciisa lagu soo koobay Lu ayaa iibsaday tikityo si isaga, xaaskiisa iyo cunug uu dhalay u raacaan diyaaradda shirkada Lucky Air oo duulimaadkeeda ka tagayay Anqing kuna socday Kunming oo katirsan gobalka Yunnan 17-kii bishan Febraayo.

Duulimaadka diyaarada ayaa la joojiyay sababo la xiriira baqdin xagga ammaanka ah kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha uu shilimaad ku arkay dhinaca biddix ee matoorka diyaaradda sida shirkada ku sheegtay qoraal la dhigay bogga xiriirka bulshada Shiinaha ee WeChat.

Mr Lu ayaa qirtay in shilimaadka uu ku tuuray matoorka diyaaradda, waxaana maamulka Shiinaha uu xeray muddo toddobo maalin ah.

“ Dhacdada waxay ku keentay shirkada khasaaro lacageed oo dhan 140,000 Yuan oo u dhiganta 21,000 oo doolar, waxayna shirkada ku oogeysaa rakaabka eedeymo si waafaqsan sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka shirkada Lucky Air.

Rakaabka kale ee diyaaradda oo gaarayay 162 qofood ayaa maalintii danbe si nabad ah lagu gaarsiiyay Kunming kaddib markii la hubiyay matoorada.

Shirkada ayaa uga digtay rakaabka inay shilimaad ku tuuraan motoorka diyaaradda, waxayna xustay inay taasi u keeni karto dhibaato iyo maxkamadeyn.

Ma noqonayso dhacdadan tii ugu horreysay. Haweenay 80 jir ah ayaa goor sii horreysay shilimaad ku tuurtay matoorka diyaarad laakiin ma suura gelin in la maxkamadeeyo sababo la xiriira da’deeda fog.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan