Home / Macluumaad / Nin maskii qaniinay u sii qaaday isbitaal uu tagay!

Nin maskii qaniinay u sii qaaday isbitaal uu tagay!


Himilo FM – Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa tagay isbitaal isagoo gacanta ku haya mas nuuciisu yahay Cobra oo ku qaniinay deegaan katirsan gobalka Uttar Pradhesh ee dalka Hindiya.

Waxay arrintan argagax gelisay dadkii ku sugnaa isbitaalka dagmada Kannauji markii ay arkeen ninka oo gacanta ku haya mas nool oo waliba nuuciisu yahay Cobra.

Wararka waxay tilmaamayaan in ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ram Kumar oo 51 jir inuu qaniinay maska xilli uu hurdayay. Kumar oo markii hore naxay ayaa mar danbe ku guuleystay inuu adkeysi muujiyo islamarkaana uu gacantiisa ku qabto maska qaniinay.Waxa uu intaa kaddib yimid isbitaalka si loo daweeyo.

Dhowr jeer oo hore, dhaqaatiirta ayaa u baahday inay oggaadaan nuuca iyo xajmiga maska marka qof uu soo qaniino, waxayna tani fududeyn kartaa in si sahlan loo daweeyo qofka.

Mar la weydiiyay sababta uu isbitaalka ugu soo qaaday maska ayuu Kumar ku jawaabay “ waan ka fekeray inaan soo qaado oo aan isbitaalka isla imaano.”

Waa la daweeyay Kumar, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladiisa waanaagsan tahay. Isbitaalka ayaana laga saaray maalintii jimcaha.

Inta badan dalka Hindiya, weerarada masaska ee ka dhanka ah dadka ayaa ku soo noqnoqda, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawacyo darran.

Bishii November ee sanadkii hore, nin ayaa u dhintay qaniinyada mas nuuciisu ahaa Copra markii uu qoorta ku duubtay isaga oo doonayay inuu ku cabsi geliyo dad isugu soo baxay Andhra Pradhesh.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan