Himilo – Wuxuu dhintay isaga oo dukanaya rakcaddii u dambaysay ee salaadda Taraawiixda, muuqaal ay duubtay kaamirada masjidka ku xiran oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya geerida ninkan dhallinyarada ah.
Nin ina-adeerkii ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri, “Ina adeerkay Hossam Kamaal, wuu dhintay, waxa uu la kulmay Rabbigiis, isaga oo dukanaaya salaaddii taraawiixda.
Muuqaalka ayaa laga arkayaa Xasam oo gacmaha kor u taagaya, kadibna si lama filaan ah u ugu dhacaya dhulka, qaar ka mid ah jamaacada masaajidka ayaa isku dayay in ay badbaadiyaan, laakiin goor hore ayay naftu deysay. Ninkan ayaa ku dukanayay masjid ku yaalla gobolka Minya ee koonfurta dalka Masar.
Dhammaad wanaagsan waa mid ay jecel yihiin dhammaan muslimiinta, tanina waa mid kamid ah dhacdooyinka dhifka ah oo ay la kulmaan aadanaha Rabbigood rumeysan.