Home / Arrimaha Bulshada / Nin qariyay wajigiisa mar la guddoonsiinayay bakhtiyaa nasiib 1 Milyan oo dooalar!

Nin qariyay wajigiisa mar la guddoonsiinayay bakhtiyaa nasiib 1 Milyan oo dooalar!

Jamaica, nin ku guuleystay bakhtiyaa nasiib ayaa sameeyay xeelad wanaagsan oo uu kaga foggaanayo in la weydiisto deymo sida uu ku soo waramay wargeyska Daily Mail.


Ninkan ayaa ku guuleystay bakhtiyaa nasiib ku kacaya 1.17 Milyan oo doolar, waxaana uu soo xertay maasgaro markii la guddoonsiinayay si uu u qariyo heybtiisa.

Guuleystaha oo lacagta lagu siiyay magac aan aheyn kan saxda ah ayaa sheegay inuu ku dadaalayo sidii aan loo oggaan inuu ku guuleystay bakhtiyaa nasiibka, sidaa darteedna uu maasgaro u qaatay.


Waxa uu intaa raaciyay in uu doonayo guri uu iibsado balse uusan helin isaga oo xusay inuu ka shaqeyn doono mashruuc yar oo uu leeyahay si uu u bilaabo nolol wanaagsan.

Dhacdadan ma ahan tii ugu horreysay, dad horay ugu guuleystay bakhtiyaa nasiibka ayaa qariyay wajiyadooda markay guddoomayeen lacagta.

Inta badan dadka waxay ka cararayaan oo ay heybtooda u qarinayaan si ay uga foggaadaan khataro uga yimaada shabakadaha danbiyada ee beegsada dadka hantida leh iyo qaraabada u soo doonanaysa deymaha.









About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan