Home / Arrimaha Bulshada / Nin si bareer ah ugu kacay fal-dambiyeed si uu u caddeeyo inuu nool yahay!

Nin si bareer ah ugu kacay fal-dambiyeed si uu u caddeeyo inuu nool yahay!

Himilo – Nin u dhashay dalka Hindiya ayay dawladdu si qalad ah ugu dhawaaqday in uu dhintay si uu arintaa u beeniyo ayuu galay dambiile si uu u caddeeyo in uu nool yahay.
Baburam Bhil oo 40 jir ah oo ka soo jeeda tuulada Mithora ee Rajasthan, ayaa muddo dheer isku dayay inuu ka dhaadhiciyo mas’uuliyiinta Hindia inuu weli nool yahay ka dib markii ay soo saareen shahaadada dhimashada ee magaciisa.
Waxa uu isku dayay in uu khaladka saxo, isaga oo u dacwooday odayaasha tuuladiisa iyo maamulka gobolka, balse dhag looma dhigin, sidaa awgeed waxa uu go’aansaday in uu galo fal danbiyeed. Isagoo ka baqaya in dhammaan hantidiisa ay dawladdu la wareegto ka dib dhimashadiisa, Baburam wuxuu qaatay go’aanka ah in uu danbiile noqdo oo uu u arkay habka ugu wanaagsan ee uu ku cadayn karo in uu noolyahay. July 19-keedii, waxa uu qaatay mindi iyo dhalo basiin ah waxa uuna bilaabay in uu beegsado iskuul deegaankiisa ah si uu u canbi galiyo.
Kadib markii uu galay iskuulka Chuli Bera Dharana, ninka ayaa si xun u dhaawacay laba macalin iyo sidoo kale waalid. Sida laga soo xigtay warbixinta booliska, Baburam Bhil ayaa sidoo kale qafaashay dhowr arday iyo macalimiin ilaa ay ciidamada sharcigu ka yimaadaan oo ay xiraan.
Intii lagu guda jiray su’aalaha la weydiinayay, ninkan wuxuu sharxay in si qalad ah loogu dhawaaqay inuu dhintay, ka dib markii uu marar badan isku dayay in la tirtiro shahaado geeridiisa, wuxuu noqday mid quus ah si uu u beeniyo inuu dhintay.
Waxa uu is tusay in samaynta dembiyo culus oo ay ku soo xiri karaan booliska ay tahay xalka kaliya ee aan lahayn doorasho kale oo ah in ay xiraan oo magaciisa lagu qoro diiwaannada booliska, si ay u noqoto caddaynta muujinaysa in aanu dhab ahaantii dhiman.
Baburam Bhil ayaa loo xiray dambiyadii uu galay, laakiin qorshihiisa ayaa laga yaabaa inuu shaqeeyo, iyadoo booliisku ay ku dhawaaqeen baaritaan lagu sameynayo sheegashadiisa.
Arintan uu ka cabanayo ninka 40 jirka ah maaha wax ku cusub Hindiya. Vio News waxa ay sheegtay in bishii November ee sannadkii hore la arkay nin 70 jir ah oo dhex socda Agra isaga oo wata boor ay ku qoran tahay ‘waan noolahay’ ka dib markii si khalad ah loo bixiyey shahaadadii dhimashada.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan