Home / Habka-Nolosha / Nin – si uu hooyadiis ugu helo shatiga baabuurta – dharka dumarka u xirtay!

Nin – si uu hooyadiis ugu helo shatiga baabuurta – dharka dumarka u xirtay!

Himilo- Nin 43 jir ah ayaa dhawaan lagu helay isaga oo xiran maryaha haweenka goor lagu guda jiray tijaabada kaxeynta gaariga – dadaal uu rabay inuu hooyadiis kaga caawiyo si ay u hesho shatiga wadista baabuurta.

Markii Heitor Schiave oo 60 jir ah ay ku dhacday saddex jeer tijaabada loo maro kaxeynta gaariga, wiilkeeda oo ah makaanik farsameeya gaadiidka waxaa la gudboonatay inuu wax ka qabto. Wuxuuna go’aansaday inuu booskeeda ku metelo tijaabada si uu shatiga ugu soo helo. Wuxuu marsaday make-up iyo wixii dumarnimo lagu halqabsan karo. Wuxuuna xittaa isku dayay inuu keeno – ama iska yeelo – codka ay hooyadiis caadi ahaan ugu hadasho. Nasiib-darro, siduu qorshaha u dhigay uguma guuleysan.

Waxa kaliya ee lagu gartay ayaa noqotay sawirka ka muuqda kaarka hooyadiis oo muuqaal ahaan – isaga iyo iyada – aysan isku soo bixin.

Aline Mendonca oo ah fududeeyaha tijaabada la mariyo kuwa raba in la baro sida gaariga loo kaxeeyo ayaa sheegtay in shaki badan oo ay ka qaaday labada muuqaal ee is weydaaranaya, kasokow ay haddana fadhi ahaan dareentay in qofka dhinac fadhiya uusan aheyn qof dumar ah.

Markii, si kastaba, lagu fahmay qorshihiisa, ninkan ayaa sheegay inuu doonayay hooyadiis oo aan laheyn shatiga lagu wado gaariga usoo helo sabab loogu oggolaan karo; taasina ay ku kaliftay inuu iska dhigo qof dumar ah.

Wuxuu intaas ku daray in hooyadiis aysan waxba kala socon arrinta lagu helay, laakiin sheekadiisa oo ku baahday baraha bulshada ayaa la timid farriimo isugu jira dhaleeceyn iyo bogaadin. Halka qaar kale ay falkiisa ku tilmaameen baarimo waalid oo uu mudan yahay in lasii daayo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan