Himilo – Nin u dhashay dalka Poland oo lagu magacaabo Damian Kasprzyk, ayaa jabiyay rikoor cusub oo Guinness World Records ah kadib markii uu 2 saacadood, 12 daqiiqo iyo 12 ilbiriqsi uu si buuxda ugu aasnaa baraf.
Kasprzyk oo 41 jir ah ayaa rikoodhkan dhigay 21-kii Febraayo magaalada Szlachtowa ee Poland, isagoo noqday ninka ugu waqtiga dheer ee jirkiisa baraf ku dhex haya.
Wuxuu horey u haystay rikoor kale oo la xiriira dulqaadka qabowga, kaas oo ahaa inuu 5 saacadood, 1 daqiiqo iyo 33 ilbiriqsi jirkiisa oo dhan la xiriiray baraf adag (ice).
Kasprzyk ayaa sheegay in diyaarintiisa maskaxeed iyo tan jireed uu door weyn ka qaatay Valerjan Romanovski, oo isaguna caan ku ah rikoorro Guinness ah, kuna takhasusay dulqaadka qabowga daran.