Home / Haweenka / Nin xaaskiisa ka jaray faraha si uu uga joojiyo waxbarashada

Nin xaaskiisa ka jaray faraha si uu uga joojiyo waxbarashada

Himilo FM –Nin maseyrsan ayaa wajahaya xabsi kaddib markii faraha uu ka jaray xaaskiisa oo billowday waxbarasho iyada oo aan wax fasax ah ka qaadan.

Rafiqul Islam oo 30 sanno jir ah ayaa indhaha iyo afka ka xiray xaaskiisa Xawa Akhter oo 21 sanno jir ah isaga oo u sheegay in uu siinayo haddiyad layaab leh.

Mr Islam oo shaqaale qaxooti ku ah Imaaraadka Carabta ayaa xaaskiisa ugu goodiyay inay wajahayso ciqaab darran haddii aysan joojin waxbarashada.

“Markii uu ka soo laabtay Bangladesh, wuxu doonayay in uu wadahadal ila yeesho”, Ms Akhter ayaa sidaasi u sheegtay TheTimes.

Waxay intaa raacisay “indhaha ayuu iga xiray, gacmaheygana wuu isku xiray, sidoo kale afka ayuu iga daboolay isaga oo shegaya in uu i siinayo haddiyado layaab leh laakin beddelkii wuxu jaray faraheyga.”

Maxamed Saluddin oo ah hoggaanka ciidanka Bangladesh ayaa sheegay in Mr Islam uu qirtay, kaddib markii lagu xiray magaalada caasimadda ee Dhaka, waxana uu wajahayaa eedeynta ah in uu ku ciyaaray xubnaha jirreed ee xaaskiisa.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dalbanaya in ninkan xabsi daa’in lagu xukumo.

“Wuu xanaaqay, wuu maseyrsanaa, maxaa yeelay wuxuu heer tacliin ahaan gaarsiisnaa fasalka siddeeedaad, iyadu waxay ka baxday college-ka si ay u sii wadato waxbarshadeeda,” ayuu yiri Mr Saluddin.

Ms Akhter waxay ku adkaysanaysaa inay barato sida wax loogu qoro gacanteeda biddix iyo inay ka go’antahay sii wadashada waxbarshadeeda, hadda waxay ku sugantahay guriga waalidiinteeda.

Bishii June ee sanadkii hore, nin shaqo la’aan ah ayaa xaaskiisa indhaha ka bixiyay iyada oo caawiye professor ka ahayd jaamacadda Dhaka, sida ay u muuqatay awood uma laheyn in uu ka hor istaago inay joojiso waxbarashadeeda sarre.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan