Ninka iska diiday in laga iibsado gurigiisa oo korkiisa laga duldhisayo dhabbe tareen!

Himilo -Nin u dhashay Shiinaha ayaa lagu tilmaamay hunguri-weyne dhuuni ah kaddib markii uu is hortaagay mashruuc lagu dhisi lahaa dhabbe tareen oo ku kacaya  38billion yuan – sababtuna waa inuu iska diiday in laga iibiyo guri uu lahaa oo iska caadi ah. Waayo wuxuu dalbaday lacag ka badan hal milyan oo yuan oo aad uga tiro badan lacagtii caadiga ahayd oo looga iibsaday dadka deegaanka guryahoodii ku teedsanaa jidka dheer ee tareenku marayo.

Dhammaan dadkii la deganaa xaafadda ninkan, waxay aqbaleen in laga iibsado ama dib-u-dejin looga sameeyo meelo kale oo deegaanka kamid ah.

Lahaanshaha dhuleed iyo milkiyadda gaar aheed ee muwaadinka Shiinaha waa mid sugan oo qofka aan lagu qasbi karin in laga raro ama sifo kale oo aanu raali ku ahayn looga qaato gurigiisa. Sida kaliya oo loogala wareegi karo dhulkiisa waa in laga iibsado. Mana ahan sheekadan mid ugub ku ah wararka dalkaas. Qaar ayaa doorta in laga iibiyo kuwa kale, sida ninkan, waxay doortaan in la siiyo lacag ka badan inta uu dhulkooda qiimo ahaan ku kacayo.

Markii si kastaba, ay isku gacanseyreen, dowladda ayaa labada dhinac ee gurigiisa ka dhistay dhabbihii tareenka, waxaa go’doon adag galay mulkiilihii guriga oo waayay dhinac uu ka neefsado. Hadda wuxuu ku qasban yahay inuu u gegsado sawaxanka iyo qeylo-dhaanta tareenka marwalba oo uu kusoo dhow ama ag marayo.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan