Home / Habka-Nolosha / Ninka korontada quuta marka uu gaajoodo!

Ninka korontada quuta marka uu gaajoodo!

Himilo – Naresh Kumar, oo ku nool Muzzafarnagar ee dalka Hindiya, wuxuu sheegtaa inuu heysto hadyad goonni ah. Kaliya ma ahan inuu korontada la fal-geli karo, wuxuu sidoo kale tamartiisa gudaha ka dhalin karaa danab. Sidaas awgeed, uma baahna cunno joogto ah si uu ugu noolaado.

42-jirka Naresh wuxuu sheegay inuu awooddan qeyrul-caadiga ah si kadis ah u daah-rogay. Waxaa kama’ ku taabatay fiilo koronto, laakiin waxba magaarin. Dadka intooda badan waxay Alle kaga mahad-celiyaan siday uu kaga badbaadaan shilkan oo kale. Waxayna ku tala-galaan inay aad u foojignaadaan mar danbe, laakiin maya Naresh.

Taas baddalkeeda, wuxuu go’aansaday inuu sahmiyo awoodda xad-dhaafka ee ku keydsan – isaga oo fiilo kasta la fal-galaya ilaa markii danbe uu ogaaday inuu danabta ama korontada kaga maarmi karo cunnada la cuno.

“Mar kasta oo aan gaajo dareemo gurigana aysan oolin wax la cuno, waxaan muddo saacad iyo bar ah qabsadaa fiilo qaawan. Waana dhergaa. Waxaan korontada u cunaa sida cuntada,” Naresh Kumar ayaa u sheegay Cover Asia Press.

“Waxaan taaban karaa aalad walba oo danab ah sida qasaaladda,  firijiyeerka, marwaxadaha iyo wixii soo raaci kara. Waxay korontadu sare u dhigtaa heerkayga tamarta – daaqadda igu jirta. Waxayna ila tahay 80% inaan hadda wada koronto noqday.”

“Waan ogahay  waxaan ahay qof gaaroodi ah ‘Unique’ – qof kastana sidan masamayn karo,” Kumar ayaa u sheegay wariyaasha. “Afadaydu ilama yaabana, laakiin dadka kale way iga argagaxaan.”

Wuuna ku saxsan yahay middaas waayo muuqaal fiidiyow ah ayaa muujiyay isaga oo gacmaha iyo afka ku heysta fiilooyin koronto iyo aalado danab leh.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan