Home / Arrimaha Bulshada / Ninka ugu da’da weyn caalamka oo geeriyooday

Ninka ugu da’da weyn caalamka oo geeriyooday

Himilo FM – Ninka ugu da’da weyn caalamka ayaa ku dhintay waqooyiga dalka Japaan maanta oo Axad ah, sida laga soo xigtay qoyskiisa.

Waxa uu qoyska sheegay in Masazo Nonaka uu saacadihii hore ee saakay uu ku dhintay Ashoro oo katirsan jasiiradda dhacda waqooyiga Japaan ee Hokkaido. Waxaa la tilmaamay in Mr Masazo uu si dabiici ah u geeriyooday.

Ninka dhintay oo noolaa labo qarni ayaa la siiyay shahaadada ninka ugu da’da weyn caalamka sannadkii hore isaga oo da’diisu tahay 112 sanno iyo 259 maalin. Waxaa lagu qoray liiska buugga Guinness Book of Records.

Waxa uu dhashay 25 bishii July ee sannadkii 1905 isaga oo dhalay 5 carruur ah oo labo kamid ah noolaayeen tan iyo sannadkii 2018. Waxa uu Masazo jeclaaa akhrinta wargeysyada.

Dhimashada ninkan kaddib, waxaa kaalinta la wareegaya Gustav Gernet oo ah reer Jarmal dhashay bishii October sannadkii 1905, waxaana loo aqoonsan doonaa ninka ugu da’da weyn caalamka.

Dadka reer Japaan ayaa loo arkaa inay yihiin dadka ugu cimriga badan caalamka oo dhan, waxaana dad badan su’aalo ka keeneen sirta arrintaasi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan