Home / Macluumaad / Ninka ugu da’da weyn dalka Ingiriiska oo kuu sir baxaya!

Ninka ugu da’da weyn dalka Ingiriiska oo kuu sir baxaya!

Himilo FM –Waxa uu jimcadii la soo dhaafay u dabaal deggay sannad guuradiisa 111aad, waa qofka ugu da’da weyn dalka Ingiriiska oo ka hadlaya noloshiisa iyo isbadalada ku yimid caalamka.

Bob Weighton ayaa wakhti wanaagsan la qaatay saaxiibbadii intii lagu guda jiray xafladda loo sameeyay dhalashadiisa oo lagu qabtay koonfurta Ingiriiska.

Inkastoo Mr Bob uu ka cabanayo hergab iyo Malaariyo joogta ah islamarkaana uu maray labo qaliin ayaa haddana waxa uu yahay qof naftiisa ku tiirsan marka uu qabanayo shaqooyin badan.

Weighton ayaa gacantiisa ku diyaarsada cuntada isaga oo ka soo adeegta suuqa waxaase caawiya barnaamij ka saacida socodka.

Sirta ka danbeysa da’da fog ee uu gaaray ayaa loo tiirinayaa hannaanka nololeed ee caafimaadka ku dhisan ee uu qaatay sida almiitada badan.

Bob oo horay u ahaa injineer iyo macallin ayaa dhashay 29-kii bisha Maarso ee sannadkii 1908-dii, waxa uu dhalay seddex carruur ah isaga oo awoowe u ah 10 carruur sida uu tilmaamay wargeyska Daily Mail.

Isaga oo tusaale ka bixinaya sida dunida isu beddeshay ayuu sheegay in sannadkii 1933-dii uu safar u aaday Hong Kong isaga oo qaatay doon. Lix toddobaad ayuu safar ahaa hase ahaatee maanta waxa uu yiri saacado kooban ayaa halkaasi lagu tagi karaa.

Ugu danbeyn, ninka ugu da’da weyn Ingiriiska ayaa xusay in dunida isbedashay waliba si weyn laakiin waxa uu yiri wali dadka waxay ugu yaraan ku jiraaan xaaladahooda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan