Home / Arrimaha Bulshada / Ninka ugu gaaban caalamka ee socda oo geeriyooday

Ninka ugu gaaban caalamka ee socda oo geeriyooday

Himilo – Ninka ugu gaaban caalamka Khagendra Thapa Magar ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay isbitaal ku yaalla Nepal sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka.

Min Bahadur Rana oo madax ka ah hay’ad ayaa sheegay in Khagendra la dhigay isbitaal khamiistii la soo dhaafay isaga oo u dhintay xannuun sambabaha ah.

Hay’adda diiwaan gelisa rikoorada caalamka ee Guinness World Records ayaa u aqoonsatay Khagendra ninka ugu gaaban caalamka ee socda iyada oo dhirirkiisa lagu sheegay 67.08 Sentimitir.

Sannadkii 2012-ka, rikoorka qofka ugu gaaban dunida ayaa loo qeybiyay labo qeybood; ninka ugu gaaban caalamka ee aan socon iyo qofka ugu gaaban balse sameeya dhaqdhaqaaq.

Johnri Palawan oo ka soo jeeda Philippines ayaa loo aqoonsaday in uu yahay ninka ugu gaaban caalamka ee aan socon.

Mr Khagendra ayaa lagu xusuusan doonaa jaceylkiisa muusiga iyo cayaaraha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan