John Alfred Tinniswood ayaa ku geeriyooday xaruunta daryeelka ee Southport ee Britain, halkaas oo uu ku noolaa.
wuxuu noqday ninka ugu da’da weyn dunida bishii April ee sanadkan, kadib markii Juan Vicente Pérez Mora uu geeriyooday isagoo jira 114 sano jir ah.
Mr. Tinniswood, oo ku dhashay 26-kii Augusto 1912, wuxuu noqday ninka ugu da’da weyn UK sanadkii 2020.
Waxaa loo aqoonsaday ninka ugu da’da weyn dunida iyadoo lagu diiwaan galiye buugga Guinness Book of Records April 2024. Waxa uu guursaday xaaskiisii ugu horeeye sanadkii 1942-kii. Xaaskiisu waxa uu geeriyootay sanadkii 1986-kii.
Qoyskiisu waxay sheegeen inuu ahaa “hawlkar firfircoon”.
Hada qofka ugu da’da weyn guud ahaan caalam-ka waa Tomiko Itooka oo u dhalatay Japan, taasoo haatan jirta 116 sano.