Ninkii Ugu Dheeraa Dalka Ghana oo dhintay

Himilo – Ninkii ugu dhererka badnaa dalka Ghana, Sulemana Abdul Samed oo si weyn loogu yaqaannay “Awuche”, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Tamale Teaching Hospital isagoo jira 33 sano. Geeridiisa ayaa ka dhalatay caabuq daran oo uga dhacay nabarro lugaha ka soo baxay, taas oo murugo weyn ka abuurtay guud ahaan Ghana, gaar ahaan waqooyiga dalka oo uu astaan u ahaa.

Dhererka aan caadiga ahayn ee Awuche waxaa sababay cudurka dhifka ah ee Marfan syndrome, oo saameeya unugyada isku haya jirka. Cudurkan ayaa billowday markii uu labaatameeyo jirka ahaa, isagoo ka shaqaynayay goob hilibka lagu qalo oo ku taalla Accra, halkaas oo carrabkiisa oo bararay uu noqday calaamaddii ugu horreysay.

Awuche wuxuu caan ku noqday warbixin ay BBC-du ka samaysay sannadkii 2022. Xilligaas dhererkiisu wuxuu ahaa 223 cm, inkastoo qoyskiisu aaminsan yihiin inuu intaas ka sii dheeraaday ka hor inta uusan dhiman. Magaciisa “Awuche” ayaa afka Hausa uga dhigan “Aan Soconno”.

Xaaladdiisa caafimaad waxay ka hor istaagtay riyadiisii ahayd inuu noqdo darawal xirfadle ah iyo ciyaaraha uu jeclaa sida kubadda cagta. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu si sharaf leh u helay sumcad, wuxuuna ku faani jiray magaaladiisa Gambaga.

Sannadkan gudihiisa, ganacsade Ibrahim Mahama (oo walaal la ah Madaxweynaha Ghana John Mahama) ayaa bixiyay kharashaadka daaweyntiisa.

Qoyskiisa ayaa go’aansaday in lagu aaso magaalada Tamale ka dib markii ay ka qabeen in dadka tiro badan ee aaskiisa ka soo qaybgalaya ay ka badan doonaan awoodda magaaladiisa Gambaga.

error: Copy lama Ogola Fadlan