Home / Cayaaro / Norwich City oo saxiixeedii 4aad kala soo qaadatay West Ham United

Norwich City oo saxiixeedii 4aad kala soo qaadatay West Ham United

Himilo -West Ham United ayaa xaqiijisay in Sam Byram uu ku biiray Norwich City si joogta ah qiimo aan la shaacin.

Daafaca  buuxa ayaa soo gaba gabeeyay seddex sanno iyo bar oo uu ku sugnaa Bariga London, 36 kulan ayuu u saftay kooxda koowaad tartamada oo dhan.

Daafaca u dhashay Essex ayaa ku  biiray kooxda Hammers isagoo ka yimid Leeds United bishii Janaayo 2016-kii  isagoo qeyb taariikhi ah ka qaatay Farewell Boleyn.

Ka dib wuxuu caawiyay goolkii ugu horreeyay ee abid garoonka London Stadium iyadoo uu dhaliyay xiddiga  Cheikhou Kouyate kulankii UEFA Europa League wareegga 3aad ee isreebreebka oo ay la ciyaareen  kooxda Slovenia-ka ah NK Domzale bishii August 2016.

25 jirkan ayaa sidoo kale ku soo billowday kulankiisii ​​ugu horreeyay ee Premier League kooxda Hammers garoonkooda cusub markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Bournemouth.

Sam ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ammaah ku qaatay Nottingham Forest tartanka Championship-ka waxaana uu haatan mustaqbalkiisa ka sii wadan doonaa kooxda ku cusub Premier League.

Xiddigan  oo xirfadiisa ka soo bilaabay Leeds ayaa u saftay 143 kulan markii uu kulankiisii  ugu horreeyay ciyaaray 2012-kii.

Byram ayaa heshiis afar sanno ah u saxiixay Norwich, waxaana uu noqonayaa xiddigii afaraad ee Canaries xagaagan la wareegto.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan