Home / Habka-Nolosha / Numbeo oo soo saaray liiska magaalooyinka ugu ammaanka wanaagsan caalamka

Numbeo oo soo saaray liiska magaalooyinka ugu ammaanka wanaagsan caalamka

Himilo – Caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi ayaa noqotay magaalada ugu ammaanka badan caalamka sannadkii seddexaad oo xiriir ah. Waxaa kaalinta labaad timid magaalada Doha ee Qadar.

Bogga Numbeo oo cuskanaya xoggo badan oo laga soo uruuriyay magaalooyin iyo deegaano kala duwan islamarkaana ku saabsan nolosha iyo heerarkeeda ayaa daabacay liiska magaalooyinka ugu ammaanka wanaagsan dunida.

Magaalada Abu Dhabi ayaa ka sarro martay inka badan 300 magaalo iyadoo heerka ammaankeeda lagu qiyaasay 89.3 dhibcood. Waxay sannadkii hore ahayd 88.26.

Doha oo caasimad u ah Qadar ayaa heshay 88.31 dhibcood oo ay ku tagtay booska 2aad ee liiska magaalooyinka xagga ammaanka ugu fiican caalamka.

Kaalmaha kale waxaa yimid Quebec, Taipei, Munich, Zurich, Bern, Hong Kong iyo magaalada Eskisehir ee Turkiga.

Magaalooyinka ku yaalla Latin Ameerika iyo Afrika ayaa yimid halka ugu danbeysa ee liiskan iyadoo caasimadda Caracas ee Venezuela noqotay magaalada ugu xun xagga ammaanka caalamka.

Waxaa sidoo kale yimid halka ugu hooseysa liiska magaalooyinka Pietermaritzburg, Pretoria, Port Moresby iyo San Pedro Sula.

Mareegta Numbeo oo la aas’aasay sannadkii 2009 ayaa daabacda tirakoobyo ku saabsan heerarka nolosha, ascaarta, caafimaadka iyo danbiyada ee dalal badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan