Home / Cayaaro / Nuno Espirito Santo “ma xiiseynayo shaqada Arsenal.”

Nuno Espirito Santo “ma xiiseynayo shaqada Arsenal.”

Himilo- Tababaraha Wolverhampton Wanderers Nuno Espirito Santo ayaa lagu soo waramayaa inuusan ‘xiiseyneyn’ inuu u dhaqaaqo Arsenal.

Wax yar ka dib markii ay jidka u galeen Unai Emery bishii hore, Gunners waxaa lala xiriirinayay inay u dhawaanayaan Nuno, kaasoo Wolves la qaaday Championship kana dhigay koox u tartameysa Europa League.

Xiriirka kala dhexeeya xubnaha Arsenal, waxaa jiray soo jeedinno ah in wakiilka Nuno Jorge Mendes laga yaabo inuu qeyb ka ciyaaro inuu u dhaqaaqo Emirates Stadium.

Si kastaba, sida laga soo xigtay Express & Star, tababaraha reer Portugal ma doonayo inuu ka dhabeeyo dalab kasta oo uga imanaya kooxda ka dhisan waqooyiga London.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan