Home / Caafimaad / Nuucyada dhiigga; Yaa u nugul caabuqa Corona?

Nuucyada dhiigga; Yaa u nugul caabuqa Corona?

Himilo – Baarayaal ku nool Shiinaha ayaa daaha ka qaaday  in nuucyada dhiigga ay kaalin ku lahaan karaan fursadda qofka uu ku qaadi karo caabuqa Corona.

Marka la fiiriyo natiijadda baaritaanka laga sameeyay magaalada Wuhan oo ah halkii uu ka billowday caabuqa dilaaga ah, dadka xambaarsan nuuca dhiigga A ayaa kaga nugul dadka kale caabuqa Corona.

Tani waxay ka dhigan tahay inay sidoo kale u bandhigan yihiin in caabuqa galaafto noloshooda sida laga soo xigtay baarayaasha oo natiijadooda lagu daabacay wargeyska Daily Mail.

Si guud, nuuca dhiigga O ayay dadka caalamka u badan yihiin. Waxaa xambaarsan nuuca dhiiggan 34% dadka dunida halka 23%  dhiiggoodu yahay A.

Nuuca dhiigga dhibanayaasha caabuqa Corona ee magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa noqday A 41% halka 25% dhiiggoodu noqday O.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan