Home / Macluumaad / Nuxurka Doodda – Adeegsiga af Soomaaliga iyo Saxaafadda – ee SOMA

Nuxurka Doodda – Adeegsiga af Soomaaliga iyo Saxaafadda – ee SOMA

Muqdisho – Dood cilmiyeed lagu magacaabay: Adeegsiga Habboon ee af Soomaaliga iyo Warbaahinta oo ay soo qaban-qaabisay hey’adda Somali Media Association ‘SOMA’ oo kaashanaysa Hey’adda Pen kana dhacay hotel Afrik ee KM4 ayaa lagu falanqeeyey doorka warfidiyeenku ku leeyihiin kobaca afka iyo ilaalintiisa.

Madaxda ka kala socota hey’adda SOMA, Akadeemiyada fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ee wasaaradda waxbarashada, madaxda Naadiga Hal-abuurka iyo Qalin-maalka Soomaaliyeed ee Pen, afyahanno caan ah iyo wariyayaal  ruug-cadaa ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee baahinta sida; wargeysyada, mareegayaasha, fogaan-aragga iyo idaacadaha ayaa goob-joog ka ahaa madasha dood-cilmiyeedkan oo qaadatay muddo ku dhow afar saacadood inay kusoo idlaato.

Anigu waxaan kamid ahaa bahda wariyaasha ah oo wakiil ka noqday Idaacadda Himilo oo xubin ka ah ururka SOMA oo horay loo aqoon jiray Network 13.

Ugu horreynba waxaa madasha furitaankeeda bilaabay madaxa Pen, isaga oo ku dheeraaday hodantooyada afka iyo kaalinta uu kasoo galay gobannimada iyo sooyaalka umadda Soomaaliyeed. Wuxuuna tusaalayaal dhowr ah usoo qaatay afafka Soomaaliga iyo Ingiriiska oo uu tilmaamay inay meelo badan ku kala hodansan yihiin.

Afyahan Sheegow oo qoraa iyo sidoo kale ah waayajoog hore ayaa si qoto dheer u faaf-faahiyay caqabadaha heysta afka iyo kaalinta ay yeelan karaan jiilka da’yarta ah ee saxaafadda ka shaqeeya.

Isaga oo soo xiganaya hadal uu yiri aqoon yahan Maxamed Daahir Afrax – oo ahaa in afku soo maray afar xilli oo kala ah: xilligii u sara kaca sahanka afka oo ku beegnaa qarnigii hore bilowgiisa; xilligii hirgalinta afka iyo horumarintiisa; xilligii dib u noqoshada iyo daala-dhaca afka: iyo xilliga la joogo oo uu ku sifeeyey xilliga baraaruga afka iyo barbaarintiisa, Sheegow wuxuu amaan aan lasoo koobeyn dusha u saaray bahda saxaafadda oo uu ku sheegay inay ku jiraan kaalinta ugu weyn ee midnimada umadda Soomaaliyeed.

“Ma ahan wax weyn in da’yarta saxaafadda ay mararka qaar ku kala hadlaan ereyo af-guri ama lahjad ah,” ayuu yiri Sheegow. “Waxa muhiimka ah waa inay ilaalinayaan afka ku hadalkiisa; habeen iyo haween tusaale ahaan waa ereyo af-guri ah oo la arkay in la wada adeegsado. Marka aynu raacno midka loo batay ee habeen innaga oo wali qadarinayna haween kuwa ugu yeera gabbalku markuu dhaco.”

Sheegow wuxuu sidoo kale tilmaamay in waalidka guriga ku nool iyo dugsiyada wax-barashada ay gabeen kaalintooda. “Hayeeshe, saxaafaddiina waa kuwa maanta nooleynaya afka oo dugsiyada dalka afafka kale wax lagu barayo carruurteenna.”

Sidoo kale, madaxii hore ee Idaacadda Mustaqbal, injineer Mustaf ayaa talada Sheegow ku ayiday sida markii lahjadda Maayga looga amaahan waayay ereyada qaar ee laga waayay Maxaa Tiriga, ay hadda ugu dhowdahay inay noqoto af gaar uga baxaya Soomaaliga. “Waa inaan awoodi karnaa mideynta af-guriyada looga hadlo goballada dalka oo aan xittaa kala amaahan karnaa eryada innaga oo aan isku kala sarreysiineyn,” ayuu yiri Mustafa oo intaas kusii daray in waxa ugu weyn ee maanta da’yarta heysata ay tahay kala faa’iideysi la’aan dhexdooda ah.

Agaasimaha Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta ee wasaaradda waxbarashada ee dowladda dhexe oo sidoo kale la siiyay inuu doodda ku kordhiyo waaya’aragnimadiisa ayaa sheegay in afku maanta uu helay gurmad iyo dad u sara kaca. Ka akadeemiyad ahaanna ay isku dayi doonaan inay bahda saxaafadda oo uu ku hal-qabsaday doorka afka ee maanta siin doonaan cilmi-baarisyo una qaban doonaan seminaarro kor loogu qaadayo aqoontooda – si buu yiri ay u gudbiyaan ereyada habboon adeegsigooda.

Madaxii hore ee wakaaladda madbacadda qaranka Soomaaliyeed oo maanta ah hal-qore wax ku daabaca wargeys u gaar ah – kana mid ahaa ruug-cadaayada saxaafadda dalka ayaa difaacay jiilka maanta ku shaqeynaya in ereyada ay bowsiga kusoo heleen ku maareeyaan kobaca afkooda. “Jiilkan qalad malahan – illeen maba helin goobo lagu ababiyo afkooda. Waxay wax ksuoo barteen afaf kale. Waa in lagu amaano siday hadana afkooda ugu dhiirradeen inay ku tabiyaan wararka,” ayuu yiri Dhicisow kaas oo farta ku fiiqay sida aanay ugu fududeyn wariye ku dhawaad 24 saacadood wax ku dhow hawada ku jira inuu af sax ah oo aan deelqaaf iyo ilduuf ku jirin uu kula hadlo bulshadiisa.

Abdinasir Iidile, oo sidoo kale kamid ah wariyayaasha caanka ah ee Muqdisho ayaa intaas kusii daray: “Erey kasta oo aan adeegsanno, haddii uusan jirin jiheeye quman oo lagu eego saxnaantiisa, qalad kuma lahan da’yarta saxaafadda ka tirsan inay sida looga baahan yahay u adeegsadaan ereyada.”

Qeybtii danbe ee kulanka ayaa waxaa codbaahiyaha qaatay ustaad Axmed Ciise Guutaale oo ah madaxa tababarrada ee SOMA kaas oo soo ban-dhigay ereyo dhowr ah oo si maanlinle ahi saxaafaddu u adeegsato kuwaas oo aan la isku raacsaneyn dhawaaqooda.

Bil – haddii wadarteeda bilo ama bilooyin noqonayso iyo weero kale oo ay warfidiyeenku adeegsadaan maalin kasta ayaa kamid ah ereyaa doodda la galiyay gorfeyntooda.

Bahda dhalinyarada saxaafadda ku jira oo kasoo qeyb-galay madasha ayaa diiradda ugu weyn la saaray inay wax ka yiraahdaan.

Aadan Ibraahim Faarax Showqi oo kamid ah da’yarta saxaafadda ayaa tiriyay ereyo dhowr ah oo ay ku adkaaday saxnaantooda –wuxuuse sheegay inuu rumeysan yahay in –kamid ahaanshaha kuwo mareegaha wax ku qora awgeed, uu waaya’aragnimo fiican u yeelanayo afka maalinba maalinta ka danbeysa.

“Waxa ugu weyn ee aad mar kasta adeegsado waa sida kuwa ila shaqeeya ay maali kasta ereyada u adeegsadaan. Haddii bil –aan bilooyin dhaho iguma ahan qalad waayo wariyaal kale ayaan isticmaal. Hayeeshe wali wadarta bilo wali waan adeegsan karaa. Sdioo kale haddii ka ddib ama ka dib mid laqoranaya tii afkayga u fududaata ayaan qaataa,” ayuu yiri wariye kale oo ka socda mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Ereyada kale ee xusidda mudan oo doodda ku jiray waxaa kamid ahaa: afaaf, agagaar, dhaq-dhaqaaq ciidan ayaa la dareemaya iyo kuwo badan oo si furfuran loo falanqeeyey habboonaantooda.

Ugu danbeyntii, waxaa hadalkiisa gunaanadka ah guddoomay guddoomiyaha ururka SOMA kaas oo amaan iyo bogaadinba u diray bahda saxaafadda, qorayaasha iyo akeemiyada cilmiga iyo suugaanta ee wasaaradda waxbarashada.

Mowduuca kulanka ee laga dooday ee ahaa Adeegsiga Habboon ee af-Soomaaliga iyo Warbaahinta oo runtii aad u guda-ballaarnaa awgeed, waxaa lasoo jeediyay in sidan oo kale bahda qorayaasha, warfidiyeenka iyo akeemiyadaba ay kulmaan si loogu guuleysto baahinta af Soomaali ku fadhiya mcino sax ah iyo muuqaal la wada fahmi karo.

Isha: Radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Muxumed ‘Hiraal’

Kala xiriir: farriin-danab; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan