Home / Cayaaro / Oggow kooxda uu tababare u noqon karo Jose Mourinho

Oggow kooxda uu tababare u noqon karo Jose Mourinho

Himilo FM –Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu noqdo macalinka Lyon ama kooxda Monaco.

Mourinho ayaa shaqada ka maqnaa tan iyo markii xilka tababarnimo laga ceyriyay Manchester United bishii December, waxaana tababaraha reer Portugal uu dhawaan sheegay in uu doonayo inuu shaqo cusub uu bilaabo bisha June.

Sida laga soo xigtay wargeyska L’Equipe, Mourinho ayaa sheegay Lyon iyo Monaco in uu xiiseynayo in loo magacaabo midkood kooxahaasi.

Bruno Genesio iyo Leonardo Jardim ayaa haatan hoggaaminaya kooxahan, laakiin waxay u muuqataa in nin Bortuqiiska uu doonayo inuu ku soo laabto dal kale oo cusub.

Lyon ayaa haatan ku jirta booska seddexaad ee horyaalka Ligue 1. 24 dhibcood ayay ka danbeeyaan hoggaamiyayaasha Paris Saint-Germain halka Monaco ay ku jirto kaalinta 16aad ee kala sarreynta horyaalka Fransiiska.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan