Home / Caafimaad / Oggow sababta wariye Mareykan ah uusan u dhaqin gacmihiisa!

Oggow sababta wariye Mareykan ah uusan u dhaqin gacmihiisa!

Himilo FM –Wariye katirsan telefishinka Fox News ayaa sheegay inuusan gacmihiisa dhaqin muddo 10 sanno ah isaga oo tilmaamay inuusan aaminsaneyn jiritaanka jeermiska.

Pete Hegseth ayaa xusay in jeermiska yaryar aysan jirin waayo waxa uu yiri waa ilma’aragto, waxaana uu tilmaamay inuu qaato keliya talaalka cudurrada.

Hadalka wariyaha oo ka baxay jaamacadaha Harvard iyo Princeton waxa uu yimid kaddib markay ku maadeysteen saaxiibbadii oo sheegay inuu cuno haraadiga Pizz-da.

“ Waxaan ballan qaaday in sannadkan 2019-ka aan hawada wax badan ka sheegi doono,” ayuu yiri wariyaha katirsan telefishinka Fox News.

Faallada saxafiga ayaa kulansatay soo dhaweyn iyo dhaleeceyn iyadoo lagu hadal hayay baraha bulshada.

Xarumaha kahortagga cudurrada iyo xakameyntooda ee dalka Mareykanka ayaa aaminsan in dhaqida gacmaha tahay tallaabo kamid ah qaababka looga fogaan karo jeermiska fida iyo cudurrada.

Daraasad hore ayaa muujisay in hal garaam oo ah saxarada bini’aadamka in laga heli karo ku dhawaad hal Triliyoon oo jeermis ah.

Jeermisyada ku faafa gacmaha oo aan la dhaqin waxaa kamid ah Salmonella iyo E coli.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan