Home / Dhaqaale / Ogow dalalka ku bixiya dhalashadooda hannaanka maal-gashiga

Ogow dalalka ku bixiya dhalashadooda hannaanka maal-gashiga

Himilo –Ma dooneysaa in aad hesho baasaboor cusub oo kuu fududeeya socdaalkaaga caalamka. Ma aha layaab oo dad badan ayaa raadiya jinsiyad labaad iyaga oo maal-gelin ka sameynaya qaar kamid ah dalalka.

Dalal dhowr ah ayaa siiya dhalashadooda maal-gashatada doonaysa inay helaan jinsiyad cusub, waxaana loo maraa hannaan shuruud ku xeran tahay.

Inkastoo dalalka ka simman yihiin adeeggan haddana waxaa lagu kala duwan yahay faa’iidada u soo laabanaysa qofka. Waxaa kale oo aan laga mideysneyn wakhtiga ay qaadaneyso bixinta dhalashada.

Haddaba bogga Radio Himilo ayaa halkan kuugu soo bandhigaya 10-ka dal ee ku siin kara jinsiyadooda haddii aad maal-gashi ka sameyso.

1) Domenica

Maal-gashiga dalkan waa in uu ka billowdaa 100 kun oo doolar. Baasaboorka ayaad ku tagi kartaa 128 dal adiga oo aan qaadan dal-ku-gal. Waxaa xusid mudan in aysan jirin canshuur dakhli oo laga qaado dadka aan dhaladka aheyn.

2) Antigua iyo Barbuda

Waa dal madaxbannaan oo dhaca halka ay ku kulmaan Atlantic-kada iyo Carribean-ka. Maal-gashiga ayaa ka bilaabanaya 200 kun oo doolar. Jinsiyadda ayaa kuu oggolaaneysa in aad booqato 130 dal adiga oo aan qaadan dal-ku-gal.

3) Grenada

Haddii aad maal-gashi ku kacaya 200 kun ka sameyso dalkan, waxay u badan tahay in aad helayso jinsiyad cusub. Dhalashada Grenada ayaa lagu tagi karaa 110 dal iyadoo qofka uusan dalban dal-ku-gal.

4) Saint Kitts and Nevis

Maal-gashiga ayaa ka kacaya 250 kun oo doolar. Adiga oo aan qaadan dal-ku-gal ayaad tagi kartaa 130 dal. Ma jirto canshuur la saaro dakhliga ama dhaxalka.

5) Portugal

Dalkan dhaca koonfurta Yurub ayaa ku siinaya dhalashadiisa haddii aad ka sameyso maal-gashi ka bilaabanaya 419 kun oo doolar. Jinsiyadiisa ayaa kuu sahlaysa booqashada dalalka Yurub oo dhan adiga oo aan u baahan dal-ku-gal.

6) Mareykanka

Maal-gashiga dalkan ayaa ka bilaabanaya 500 kun oo doolar si qofka loo siiyo dhalasho Mareykan ah. Waxaad ku noolaan kartaa gobal kasta. Labo sanno gudaheed ayaa laguugu siinayaa jinsiyadda.

7) Bulgaria

Haddii aad dooneyso dhalashada dalkan, waa in aad abuurto maal-gashi ka bilaabanaya 612 kun oo doolar. Baasaboorka Bulgaria ayaad ku tagi kartaa 140 dal. Keliya waxaa jirta canshuur aan badneyn.

8) Canada

Maal-gashiga ayaa ka bilaabanaya 640 kun oo doolar. Waxaa lagu siinayaa baasaboorka dalka iyo daryeel caafimaad oo joogto ah.

9) Cyprus

Haddii aad dooneyso in aad hesho dhalashada dalkan, waa in aad sameysaa maal-gashi dhan 2.4 Milyan oo doolar. Jinsiyadiisa ayaad ku tagi kartaa 150 dal. Waxaa jira fursado waxbarasho iyo nolol wanaagsan.

10) Ingiriiska

Ingiriiska ayaa ku jira kaalinta 10aad. Maal-gashiga dalkan ayaa ka bilaabanaya 2.6 Milyan oo doolar. Dhalashadiisa ayaad ku tagi kartaa 170 dal adiga oo aan qaadan dal-ku-gal. Waxaa jira fursado ganacsi oo waaweyn.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan