Home / Caafimaad / Ogow sababaha keena xusuus darrida ee aad ka digtoonaan karto

Ogow sababaha keena xusuus darrida ee aad ka digtoonaan karto

Himilo – Dhacdooyinka joogtada ah ee maalin kasta ayaa dadka qaar ku keena xusuus darrida soo noqnoqata. Waxaa jira sababo badan oo loo tiirin karo xusuus xummida oo ay ka cabanayaan dad aan tiro yareyn.  Sababaha xusuus darrida waxaa ugu waaweyn qoddobada soo socda:

Hurdo yarida

Waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah sababaha keena xusuus darrida, waa natiijadda ka dhalata cadaadiska ay dareemayso maskaxda marka uusan helin qofka hurdo ku-filan.

Walaaca

Waxa uu qeyb weyn ka qaataa illowshaha qofka iyada oo walaaca uu horseedo dhibaatooyin badan sida in qofka uu waayo awoodda diirad saarida. Sidaa darteed, dadka la nool walwalka badan waa inay ka feejignaadaan khatartiisa iskana yareeyaan.

Walwalka darran (Depression)

Waa xannuun ay ka cabanayaan dad badan. Waxa uu kaalin ku leeyahay xusuus darrida joogtada ah isaga oo qofka ka dhigaya mid aan qabsan karin shaqooyinkiisa caadiga ah.

Caajiska

Caajiska waxa uu ka dhigayaa qofka mid aan laheyn xusuus badan.  Waxa uu saameyn tabban ku leeyahay qeybaha xusuusta ee maskaxda.

Cunto aan caafimaad laheyn

Qaadashada cuntada fudud ee aan laheyn Vitamins-ka jirka u baahan yahay sida Vitamin B12, waxay keenaysa inay xummaato xusuusta qofka.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan