Home / Arrimaha Bulshada / Ogow sababaha rag badan ku riixaya guurka labaad

Ogow sababaha rag badan ku riixaya guurka labaad

Himilo- Bogga Lolwot aya qoray qaar kamid ah sababaha ragga ku riixaya inay khiyaano ku sameeyaan xaasaskooda.

Qoddobada ayaa badankood ku saleysan ficillada ka yimaada xaasaska ee aan farxad gelin raggooda islamarkaana ka dhigaysa inay raadiyaan gabbaad kale.

1) Maseerka badan ee haweenayda

Maseerka waa mid kamid ah tilmaamaha ragga jecel yihiin. Waxay inta badan kordhisaa kalsoonidooda laakiin waxaa jira dumar badan oo ka badbadiya maseerka taasi oo ciriir ay ku dareemaan ragga qaar.

2) Baacsiga ama dabagalka badan

Inta badan ragga waxay ka simman yihiin inay u baahan yihiin xurriyad shaqsiyadeed. Kama dhigna wakhtiga ay ku bixiyaan saaxiibbadooda mid aan muhiim aheyn.

3) Dabeecadda

Ragga qaar ayaa u dhashay dabeecad la xiriirta raadinta xaasas kale. Waxay wakhitga ugu badan ku bixiyaan xiriirka haween kale.

4) Warbaahinta bulshadda

Baraha bulshadda ayaa ah habka ugu fudud oo rag badan ku sameeyaan xiriiro kale. Waxay sidoo kale horseed u yihiin burburka qoysas badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan