Home / Arrimaha Bulshada / Ogow sababta haweenay Ingiriis ah dib ugu dhigtay guurkeeda 18 sanno

Ogow sababta haweenay Ingiriis ah dib ugu dhigtay guurkeeda 18 sanno

Himilo- Dhacdo tii ugu horreysay oo nuuceeda ah, haweenay Ingiriis ah ayaa dib u dhigtay guurkeeda muddo 18 sanno ah sabab ku qotonta culeyska jirkeeda.

Charmaine ayaa ka cabaneysay miisaankeeda xad dhaafka ah oo gaaray 114 kg iyadoo awoodi weyday inay xerato saako.

Haweenayda 36 jirka ah ayaa baratay saaxiibkeeda sannadkii 2001-dii iyada oo 17 jir ah balse wakhti kaddib, waxaa kordhay miisaanka jirkeeda.

Halgan dheer oo qaatay 18 sanno ayaa horseeday in haweenayda ku nool gobalka Southampton inay yareyso miisaankeeda oo ku soo laabtay heer caadi ah.

Ninka guursanaya Charmaine ayaa u sheegay wargeyska Mirror in uu ku farraxsan yahay muuqaalka gabadha u doonan islamarkaana u dareemayo in maanta u ektahay maalintii barashadooda.

Ms Charmaine ayaa qudheeda sheegtay inay ka xishoon jirtay inay ku guursato miisaanka culus islamarkaana go’aansatay inay sameyso isbedal.

Haweenayda oo mar dhaw la guri geynayo ayaa ka taqalustay miisaan dhan 50kg sannadihii halganka dheeraa oo ay sidoo kale ka cabatay xannuuno.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan