Home / Daraasad / Oggow sababta rasmiga ah ee uu u degay markabkii “Titanic”

Oggow sababta rasmiga ah ee uu u degay markabkii “Titanic”

Himilo FM –Markabkii caanka ahaa ee Titanic ayaa ku degay bartamaha badweynta Atlantic-kada sannadkii 1912-kii ,waxaana uu hadda buug cusub daaha ka qaadayaa sababta shilkaasi.

Tan iyo markii uu degay markabka Titanic ee ka soo tagay Southampton islamarkaana ku sii jeeday Newyork, taariikh yahanada waxay tilmaamayeen in sababta shilka ahayd baraf uruuray oo noqday sida dhagax weyn.

Saxafiga Sinnan Molonia oo baaritaan ku sameynayay dhacdada muddo 30 sanno ah ayaa aaaminsan inay jiraan sababo badan oo shilka ka danbeeyay.

Waxa uu xusayaa wariyaha in sababaha isugu jiraan dabka ka kacay halka lagu keydinayay dhuxusha, shidaal yarida iyo go’aanka ah in middig loo laabto si looga foggaado barafka dhagaxoobay ee noqday sida buur oo kale.

Buuggiisa cinwaanka looga dhigay “Muxuu u burburay Titanic, maxayse waajib u tahay inuusan mar kale shiraacan”? ayaa wariyaha waxa uu ku sheegayaa macluumaad cusub oo tilmaamaya in go’aankii markab loogu wareejiyay dhinaca middig si looga foggaado shilka uu yahay mid kamid ah sababaha ka danbeeyay dhacdada lagu hoobtay.

Molonia ayaa sheegay inuu jiray sharci markasta maraakiibta raaci jireen oo ah inay u leexdaan dhanka middig xilli kasta oo markab kale kahor yimaado si looga baaqsado shil.

Marka loo fiiriyo barafka dhagaxoobay ee markabka uu wajahay, waxa uu wariyaha leeyahay in middig loo leexdo ma aheyn khiyaar wanaagsan inkastoo shaqaalaha markabka ku dhaqmeen sharcigii maraakiibta la dul dhigay kontomeeyadii qarnigii 19aad.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan