Home / Habka-Nolosha / Ogow sababta shaqaalaha diyaaradaha aysan u cabbin shaaha iyo qaxwada

Ogow sababta shaqaalaha diyaaradaha aysan u cabbin shaaha iyo qaxwada

Himilo – Warbixinno dhowr ah ayaa daaha ka qaaday in shaqaalaha diyaaradaha iyo injineerada in aysan ku cabbin shaahiga iyo qaxwada gudaha diyaaradaha.

Inta badan dadka rakaabka ah ayaa shaahiga iyo qaxwada cabba inta ay saaran yihiin diyaarada si ay isaga yareeyaan culeyska safarada dhaadheer inkastoo warbixino badan muujiyaan khatarta cabitaan kasta oo laga sameeyo biyaha diyaarada.

Mid kamid ah gabdhaha ka shaqeeya diyaaradaha ayaa u sheegtay mareegta Business Insider in shaqaalaha dumarka ah in aysan cabitaanada kulul ku cabbin gudaha diyaaradaha.

“ Waa wax aan dhici karin inay shaahi iyo qaxwo ku cabbaan diyaarada,” ayay tiri haweenayda aan la shaacin magaceeda.

Sida uu qoray Business Insider, mid kamid ah 8-dii diyaarad ee shaqeysa ayaa ku guuldareysatay tijaabada biyaha nadiifka ah iyadoo baaritaan la sameeyay 15 sanno kahor uu tilmaamay in biyaha diyaaradaha ay ku jirto maadada khatarta ah ee Colorform.

Duuliye aan la shaacin heebtiisa ayaa uga digay rakaabka inay qaataan cabitaaanada diyaaradaha xilli diyaaradaha qaar adeegsadaan maadooyin lagula dagaalamo bakteeriyada oo saameynaya nadaafada biyaha.

Waxa uu intaa raaciyay in rakaabka looga baahan yahay inay labo jeer ka fekeraan qaadashada shaahiga iyo cabitaanka laga helo diyaaradaha iyaga oo u turaya caafimaadkooda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan