Home / Habka-Nolosha / Ogow tallaabooyinka fudud ee aad ku xakameyn karto carrada

Ogow tallaabooyinka fudud ee aad ku xakameyn karto carrada

Himilo – Carrada ayaa lagu tiriyaa dareenada dabiiciga ah laakiin inbadan ayay ku adag tahay inay xakameeyaan carradooda taasi oo ku riixaysa dhibaatooyin kale.

Khubarada ku taqasustay culuumta nafsiga ayaa tilmaamaya in qofka uu xakameyn karo carradiisa isaga oo raacaya tallaabooyin qeexan.

Sababaha qofka ku riixaya dareenka carrada oo la oggaado waxay qeyb weyn ka noqon kartaa xalka badbaadin kara dhibanaha.

Khubarada nafsiga ayaa soo jeedinaya in marka qofka uu dareemo carro in uu billaabo tirinta 1-10 isaga oo qaadanaya neef deggan.

Waxaa kale oo jira habab kale oo qofka uu ku xaddeyn karo dareenkiisa carrada leh sida cayaaraha socodka iyo dabaasha.

Hurdo wanaagsan, qoraalka iyo farshaxanka la sameeyo ayaa qeyb ka noqon kara wadiiqooyinka qofka uu kula dagaalami karo carrada.

Midda ugu muhiimsan ee khubarada ka dhawaajiyeen ayaa ah in qofka uu kala hadlo qof saaxiib la ah sababaha ka xanaajinaya, tani waa hab asal ah oo waxtar leh.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan