Home / Cayaaro / Olivier Giroud oo heshiis la gaaray Inter Milan

Olivier Giroud oo heshiis la gaaray Inter Milan

Himilo – Weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud ayaa qorsheynaya in uu heshiis u saxiixo Inter Milan suuq furanka xagaaga soo socda.

Inkasta oo qandaraaska cayaaryahanka ee Stamford Bridge uu ka harsan yahay seddex billood haddana Giroud ayaa la sii joogi kara Blues isaga oo sameeyay bandhig wanaagsan kahor safmarka Coronavirus.

Si kasta, sida laga soo xigtay Tuttosport, kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa la filayaa inay u bandhigto laacibka ku guuleystay koobka adduunka qandaraas muddo labo sanno ah.

Giroud ayaa dhaliyay labo gool 11 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah iyo Champions League xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan