Home / Habka-Nolosha / Oscar oo Xaqiijiyay In uu Is Kaga Tagi Doono Kooxdiisa Chelsea Bisha Janaayo Marka Uu Furmo Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda.

Oscar oo Xaqiijiyay In uu Is Kaga Tagi Doono Kooxdiisa Chelsea Bisha Janaayo Marka Uu Furmo Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda.

Laacibka reer Brazil ee Oscar ayaa xaqiijiyay in uu is kaga tagi doono kooxda uu hadda u ciyaaro ee Chelsea waxa uuna doonayaa in uu ka baxsado kursiga kaydka ee uu dhigay tababare Antonio conte.

Warar kasoo baxayay England ayaa sheegaya in xidiga heerka caalami ee xulka Brazil uu aqbalay inuu la midoobo macalin kiisii hore ee Andre Villas-Boas kadib markii ay Chelsea aqbashay lacag dhan €60 milyan oo euros, wuxuuna 25 jirkaan haatan si rasmi ah u xaqiiijiyay in heshiiska uu ugu biirayo kooxdaasi uu yahay mid la dhameystiray boqolkiiba 90%.

Oscar ayaa kula guuleystay Chelsea horyaalka Premier League, Europa League iyo EFL Cup kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Internacional sanadii 2012, wuxuuna kubad sameeyahaan qeyb muhiim ah ka ahaa kooxdii Jose Mourinho ee ku guuleysatay horyaalka xili ciyaareedkii 2014-2015 laakin wuxuu boos ka waayay kooxda tababaraha reer talyaani eeAntonio Conte.

Oscar ayaa noqon doona hadii uu ku biro horyaalkaas xidigii ugu qaalisanaa ee abid ku biira horyaalka China wuxuuna jabin doonaa rikoorkii  €55.8 milyan oo euros ahaa ee ay Shanghai kagala soo wareegtay laacibka reer Brazil Hulk kooxda  Zenit.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan