Home / Habka-Nolosha / Oscar: “Waan ku farxi lahaa haddii Costa uu yimaado horyaalka Shiinaha.”

Oscar: “Waan ku farxi lahaa haddii Costa uu yimaado horyaalka Shiinaha.”

Muqdisho – Laacibka kooxda Shanghai SIPG, Oscar ayaa ku riyaaqi lahaa haddii saaxiibkiis Costa oo ay iskala ciyaareen Chelsea uu kula soo biiri lahaa horyaalka Shiinaha.

Costa, oo 28-jir ah, ayaa si ballaaran loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo kooxda ka dhisan horyaalka Shiinaha ee Tianjin Quanjian.

Oscar, kaas oo bishii January sanadkan ku biiray horyaalka dalweynaha Shiinaha, ayaa sheegay inuu ku riyaaqi lahaa haddii saaxiibkiisa Costa uu kula soo biiro horyaalka Shiinaha.

“Way igu adag tahay inaan talo goonni ah ugu deeqo saaxiibkayga Costa,” ayuu yiri. “Waxa kaliya oo aan u sheegi karo ayaa ah inaan ku raaxaysanayo halkan Shiinaha.”

“Maqabo wax dhibaato ah. Dhaqanka halkani wuu ka duwan yahay midka dalkayga, hadana waan la qabsanayaa.”

“Qof kasta wuu qorsheystay waxa ugu mudan. Waxaana aan rumeysanahay imaanshaha Shiinaha inay aheyd dooqayga iigu fiican.”

“Haddii Costa uu halkan yimaado way i farax gelinaysaa. Wuxuuna ila dhadhaminayaa farxad lamid ah midda aan ku raaxaysanayo.”

20-ka gool ee Costa ayaa Chelsea ku caawisay inay ku guuleysato horyaalka Ingiriiska – oo ah markii labaad oo uu kula guuleysto PL.

Hadana Oscar ayaa kooxdiisa bilow wanaagsan la sameeyey iyada oo hadda kaalmaha hore kaga jirta loolanka tartamada ciyaaraha Shiinaha.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan