Home / Habka-Nolosha / Ousmane Dembele oo 3-4 bilood dhaawac ku maqnaan doona.

Ousmane Dembele oo 3-4 bilood dhaawac ku maqnaan doona.

Muqdisho – Barcelona ayaa xaqiijisay in Ousmane Dembele uu wajahayo maqnaashjiyo gaaray saddex bilood iyo bar illaa afar bilood kadib markii uu laacibkan dhawaan gal ah uu soo gaaray dhaawac muruqa ah.

20-jirkan ayaa yimid Camp Nou isaga oo kasoo tagay Borussia Dortmund xagaagan, Ousmane Dembele  ayaa noqday laacibka ugu qaalisan Barcelona wuxuuna ku yimid Camp Nou lacag gaareysa £97 Milayan oo lacagta Ingiriiska ah.

Xiddigan u dhashay Faransiiska ayaan helin bilaabasho wanaagsan oo Barcelona ah  25 daqiiqo ayuuna ka ciyaaray kulankii ugu danbeeyay oo ay kooxdiisu la ciyaartay Getafe  Sabtigii ciyaartii ku dhamaatay  2-1 oo ay ku badisay Barcelona.

Waa dhaawicii ugu horreeyay ee soo gaara Laacibkan tan iyo markii uu u yimid kooxda Reer Spain, dhaawacan foosha xun ee muruqa kasoo gaaray ayaa ku qasbi doona in uu u safro Finland si uu caafimaad u raadiyo maalmaha soo aadan.

Qoraal gaaban oo lasoo dhigay mareegta rasmiga ah ee Barcelona ayaa lagu yiri; “Dembele ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado inta u dhaxeysa saddexda bilood iyo afarta bilood ee soo socota.”

Taas ayaa la micno noqon doonta inuu laacibkan seegi doono dhammaan kulamada Champions League ee wareega group-yada ee hadda u dhiman kooxda.

Barcelona ayaa hadda hoggaanka u heysa horyaalka La Liga kadib markii ay soo badisay dhammaan afartii kulan oo ay ciyaartay horyaalka.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan