Home / Cayaaro / Ousmane Dembele oo rajeynaya inuu ka tago Barcelona

Ousmane Dembele oo rajeynaya inuu ka tago Barcelona

Himilo- Weeraryahanka kooxda Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu rajeynayo inuu ka tago Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa ku biiray Barca heshiis lacag badan oo uu kaga yimid kooxda Borussia Dortmund xagaagii 2017 laakiin wuxuu si aad ah ugu dhibtooday inuu sumcadiisa u muujiyo kooxda.

Dhaawacyo isdaba joog ah ayaa waxyeelaynaya horumarka weeraryahanka, halka uu kaliya dhaliyay hal gool sagaal kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan isagoo mar kale la dhibtoonayay dib u dhacyo dhowr ah.

22 sanno jirkan ayaan la fileynin inuu kasoo laabto dhibaatadiisa muruqa ah ilaa iyo bisha Febraayo, sida laga soo xigtay El Desmarque, waxaa jira shaki la’aan weyn oo ku aadan mustaqbalkiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in xidiga  reer France uu rajeynayo inuu ka tago kooxda heysata horyaalnimada Spain xagaaga soo aadan, taasoo kicin karta xiisaha Premier League.

Dembele ayaa dhaliyay 19 gool 74 kulan oo uu u saftay Barca tartamada oo dhan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan