Muqdisho – Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Barcelona ka dib markii uu heshiis shan sano ah u saxiixay kooxda reer Spain ee Barcelona.
Ousmane Dembele ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah uu ku joogayo Barcelona si uu u dhameystiro heshiiska uu kaga soo wareegayo naadiga Borussia Dortmund.
20 jirkan garabka ka ciyaara ee reer France ayaa ugu dhaqaaqay Barca lacag gaareysa €105 million, heshiiskaas ayaana ka dhigay laacibkan ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta, marka loo fiiriyo heshiiskan iyo kii ka horreeyay ee Neymar.
Dembele ayaa usoo duulay Barcelona Axaddi si uu u dhameystiro heshiiska, isla markaana uu caafimaadka ugu maro Naadiga Camp Nou kadib markii ay kooxda reer Spain ay horay ugu dhawaaqday in ay heshiis rikoor ah kula wareegtay xiddigan.
Camp Nou ayuu xiddigan ka soo muuqday maanta waxaana soo dhaweeyay taageerayaal gaaraya 12,000 kadibna waxa uu dhiibay wareysi gaaban.
“Had iyo jeer waxaan doonayay inaan u ciyaaro Barcelona tan iyo markii aan yaraa, waxaan daawaday kulamada oo dhan, waa kooxda ugu wanaagsan adduunka, waxayna heysataa ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka, waxaan rajeynayaa in aan koobab kula guuleysan doono,” ayuu yiri Dembele.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay halkan waxaana rajeynayaa sida ugu dhaqsiyaha badan in aan kula midoobo ciyaartoyda kooxda.”
Funaanadda lambarka 11aad ee uu baneeyay laacibkii hore ee kooxda ayuu xiran doonaa Ousmane Dembele. Neymar Jr oo ka tagay Barcelona horraanti bishaan isaga oo lacagtii ugu badneed ebid ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain ayaana xiran jiray, Ousmane ayaana noqday laacibka labaad ee ugu qaalisan kubadda cagta.
Dhamaadka toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay labada kooxood ee Borussia Dortmund iyo FC Barcelona ay ka wada heshiiyeen xiddigan reer France.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.