Home / Habka-Nolosha / Owen: “Saxiixa Griezman ee Man U waxay halis ku tahay fursadda laacibka Rashford.”

Owen: “Saxiixa Griezman ee Man U waxay halis ku tahay fursadda laacibka Rashford.”

Muqdisho – Michael Owen ayaa u malaynaya in horumarka Marcus Rashford uu caqabad kala kulmi karo haddii kooxda Manchester United uu kusoo biiro Antoine Griezmann.

Rashford ayaa si weyn uga soo dhex muuqday xagaagii hore marka kooxda uu dhaawac hareeyay – hadda oo uu 19 jir yahay, wuxuu boos joogto ku leeyahay Old Trafford.

United ayaa hadda aad ugu tiirsanaatay laacibkan maadaama Zlatan Ibrahimovic uu dhaawac jilibka ah qabo. Wuxuuna da’yarkan kusoo baxay mid lala dhacay bandhigiisa.

Owen oo ku guuleystay biladda Ballon d’Or markii uu 21 jir ahaa, wuxuu usoo ciyaaray kooxaha Liverpool, Real Madrid iyo Manchester United, wuxuu hadda ka howl-galaa fogaan-aragga BT Sport‘s football isaga oo waaya’arag kubadeed u ah tebinta ciyaaraha. Wuxuu sheegay in tayada da’yarkan ay wiiqmi karto haddii laacibka weyn sida Griezmann uu kusoo biiro naadiga.

“Rashford wuxuu macalin Jose uga baahan yahay inuu siiyo kalsooni dheeri ah kuna yiraahdo waxaa tahay qofka ku habboon booskan,” ayuu yiri.

“Haddii uu Zlatan bogsado, kadibna saxiixo heshiis cusub, waxay fursad dahabi ah u tahay xiddiga Rashford oo waqti isku dheelli-tiran u heli doona safashada naadigiisa.”

“Waxaad u baahan tahay qof kuu jooga meesha uu Zlatan kaaga soo baxay xagaagan. Waxayse ku adag tahay Mourinho inuu isku dheelli-tiro doonistiisa – kalsoonina uu ku qabo Rashford.”

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan