Home / Arrimaha Bulshada / Oxfam: Taajiriinta iyo saboolka caalamka midba dhankiisa u badiyay!

Oxfam: Taajiriinta iyo saboolka caalamka midba dhankiisa u badiyay!

Himilo FM – Hay’adda Oxfam International ayaa ka digtay marnaanshaha xagga dhaqaalaha ee sii kordhaya ee u dhaxeeya dadka taajiriinta ah iyo kuwa sabooolka ah sida ay ku sheegtay warbixinta sanadlaha ah oo ay soo saarto hay’adda.

Warbixinta waxay xustay in dadka taajiriinta ah iyo kuwa saboolka ah uu midba dhankiisa u badiyay, taasi oo ka dhigan in hantida taajiriinta caalamka sii korortay halka xaaladda kuwa saboolka ah sii xummaatay.

Hantida bilyuneerada caalamka ayaa kororta 2.5 Bilyan oo doolar maalintii halka kala bar dadka caalamka ay hantidooda hoos u dhacdo heer dhan 500 Milyan oo doolar maalin kasta sida ku cad warbixinta.

Waxaa intaa la raaciyay in bilyuneerada caalamka ee heysta hanti u dhiganta inta ay heystaan kala bar dadka dunida inay hoos uga dhaceen 43 qofood iyaga oo hadda ah 26 qofood.

Xogta oo laga helay bankiga Swiss bank Credit Suisse iyo Forbes ayaa muujinaysa in hantida dadka lacagtooda ka badan tahay 1 Bilyan inay gaartay 1.4 Trillion.

Warbixinta waxay ku soo aadaysaa iyadoo hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo kuwa ganacsiga ee caalamka lagu wado inay ku kulmaan madasha dhaqaalaha caalamka ee ka dhacaysa Davos oo katirsan Switzerland.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan