Himilo FM –Waxa uu noqday war weyn oo ay ka naxeen ardayda Ingriiska. Waa markii ugu horreysay oo jaamacadda Oxford ka hoos marto booskeedii 1aad ee liiska jaamacadaha ugu wanaagsan Ingiriiska iyada oo ay kaalinteeda qaadatay jaamacadda University of St Andrews.
Wargeyska Daily Mail ayaa xusay in tani noqonayso markii ugu horreysay oo jaamacadaha Oxford iyo Cambridge aysan ku jirin kaalmaha koowaad ee liiska jaamacadaha ugu wanaagsan Ingiriiska.
Inkastoo jaamacadda Cambridge ku jirto kaalinta koowaad haddana jaamacadda University of St Andrews ayaa ka sarro martay Oxford iyada oo ka soo dhaqaaqday booska 3aad islamarkaana fadhi ka sameysatay booska 2aad markii ugu horreysay taariikhda.
University of St Andrews oo ah jaamacadda timid kaalinta 2aad ayaa ah midda seddexaad ee ugu faca weyn Ingiriiska marka laga yimaado Oxford iyo Cambridge. Waxaa la aas’aasay sannadkii 1413-kii.
Sally Mapstone oo ah ku-xigeenka lataliyaha iyo agaasimaha jaamacadda University of St Andrews ayaa tilmaamtay inay u tahay guul weyn oo ay ku faanayaan.
“Tartanka jaamacadda Scotland laga leeyahay oo ay kaga mid noqotay jaamacadaha ugu wanaagsan waxa uu na tusayaa awoodda baaritaanka iyo in la qaato tijaabada ardayda,” ayay tiri Sally.
Guusha jaamacadda University of St Andrews waxaa loo celinayaa kororka heerka qanacsanaanta ardayda oo noqotay 93%.