Home / Habka-Nolosha / Ozil oo halyeeyadii hore ee Gunners-ka ugu yeeray inay joojiyaan dhaleecaynta.

Ozil oo halyeeyadii hore ee Gunners-ka ugu yeeray inay joojiyaan dhaleecaynta.

Muqdisho – Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Arsenal, Mesut Ozil ayaa soo jeediyay in ay dhaleeceynta nafsadiisa iyo kooxda kalaba joojiyaan ciyaartoydii horay usoo martay naadiga isla markaana ay bilaabaan taageeradooda.

Gunners ayaa wajaheysa dhaleeceyn fara badan oo kaga imaaneysa taageerayaasha aan faraxsaneyn ee kooxda iyo qaar ka tirsan ciyaartoydii hore ee kooxda kuwaas oo aan la dhacsaneyn qaabka ay hadda wax ku socdaan, ceebaha ugu badan ayaana daboolka laga qaaday kadib markii naadigu uu la kulmay guul-darro xanuun badan oo kusoo gaartay guriga Liverpool ciyaar ku dhamaatay 4-0.

Ozil waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray kooxda labadii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna kamid yahay ciyaartoyda il-qabadka leh ee hadda ku sugan naadiga, cadaadis walba oo ka yimaada dadka la hadla saxaafadda waxa uu soo marayaa ciyaartoyda waaweyn ee Gunners iyo tababare Arsene Wenger.

Xiddigan heerka caalami ee waddanka Jarmalka ayaa aad loogu dheleeceeyay qaabkii liitay ee uu u ciyaaray kulankii guul-darrada Liverpool iyo niyad-jabka badan ee ka muuqda wajigiisa: xitaa waxaa lasoo jeediyay in Ozil uu sanadkan yahay mid daalan.

“Shaqsi ahaanteyda, waa in aan aqbalaa dhaleeceyn kasta oo isoo gaarta inta aan ku suganahay London,” ayuu kusoo qoray bartiisa Instagram-ka.

“Ciyaartoydii hore ee Gunners waxaan ku waaninayaa in ay joojiyaan dhaleeceynta ayna bilaabaan taageeradooda,” ayuu kusii daray Ozil.

Arinkan ayaa loo fasiran karaa in laacibkan bidixda ku xamaasha uu dhibsaday hadallada cambaareynta ah ee ka yimaada laacibiintii hore ee Arsenal, si lamid ah saxaafadda qaar ayaa u fasiray goodis ku aadan ka tegista London.

Ozil ayaa sameeyay 164 soo muuqasho oo Arsenal ah dhamaan tartamada – waana in ka badan intii uu u saftay kooxihii uu usoo ciyaaray.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan