Muqdisho – Mesut Ozil ayaa aad u xiisaynaya inuu kooxdiisa la booqdo dalka Australia kahor intuusan furmin horyaalka.
Kooxda Gunners-ka ayaa wajahi doonta kooxaha Sydney FC iyo Western Sydney Wanderers Down kahor intaysan u tallaabin Shanghai oo ay kula balansan tahay kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea.
Ozil ayaana sugi la’ inuu kooxdiisa la galo safarkaas oo hor dhaca ka ah diyaargarowgooda horyaalka PL ee furmi doona.
“Waxaan maqlay Sydney inay tahay magaalo fiican oo ay ku nool yihiin dad fiican,” ayuu sheegay Arsenal Player. “Wax badan kama aqaan dalka Australia, laakiin waa fursad fiican oo aan kusoo baran karo, waana ku faraxsanahay inaan kooxdayda la aado halkaas.”
“Sanado kahor waxaan tagnay Singapore waxayna ahayd mid xiisa leh. Si lamid ah Sydney waan xiisaynaa inaan soo arko taageerayaasha kooxda.”
“Waan sugi la’ ahay safarkeenna Australia.”
Ozil ayaa 8 gool dhaliyay, wuxuuna caawiyay 10 fursado guuleystay xagaagii dhamaaday ee 2016-17.